Sawiro: Itoobiyaan saldhig ka smaystay Dhuuso-mareeb

717x479x6.jpg.pagespeed.ic.spzAvsqS2F (1)Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u fara badan, ayaa maanta Fariisimo ka samaystay Magaalada Dhuuso-mareeb ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha hogaamineysay Ciidamadaan, ayaa waxay shir la qaaten  mas’uuliyiinta degmada Dhuusamarreeb, saraakiisha Ahlu Sunna iyo kuwa ciidanka dowladda Soomaaliya.

Marka uu shirka soo dhammaaday waxaa saxaafadda uga warbixiyey saraakisha ciidamada Itoobiya iyo maamulka Dhuusamarreeb,waxaa ay kawada hadlen guddoomiyaha degmada Dhuusamarreeb, Macallin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow,waxaana uu sheegay inay ciidanka Itoobiyaan saldhigyo ka sameysan rabaan magaalada, isla markaana ay ka codsadeen maamulka iyo dadweynaha degmada inay ka caawiyaan sidi ay ula dagaallami lahaayeen kooxda Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka.

Sidoo kale guddoomiyaha waxaa uu tilmaamay in ciidamadu ay yihiin kuwo duulan ku ah deegaannada ay gobolka Al-shabaab kaga suganyihiin,isla markaana dhinacooda ay soo dhaweynayan cidkasta oo gobolka Al-shabaab ka saaraysa.

Waa tiridii ugu horreeysay ee ciidan oo gaaray magaalada Dhuusamarreeb,waxaana ciidamadan Itoobiya ay yihiin kuwo qeyb ka ah howlgalka AMISOM,kuwaaso dhawaan la sheegay inay bilaabi doonan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here