Sawiro: Itoobiya oo Dukhsiga & xasharaadka kula dagaalameysa Drone

o.aolcdn.comDowlada Itoobiya ayaa wada mashruuc ay dooneyso inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee DRONE kula dagaalanto dukhsiga iyo xasharaadka kale ee dhibka ku haya beerahooda iyo xoolaha ay dhaqdaan shacabkooda.
Qorshahan ayaa ah in diyaaradaha Drone loo adeegsado in hawada dalkaasi laga suuliyo dukhasiga iyo xasharaadka kale ee dhibaatada ku haya Xoolaha iyo Beeraha wadankaasi, farsamadan cusub ayaa ah mid ay Itoobiya dooneyso inay sare ugu qaado tayada beeraheeda iyo xoolaha dalkaasi.

Wadanka Itoobiya oo dadaal dheer ugu jira inuu mustaqbalka noqdo dalka ugu wax soo saar badan Qaarada Afrika ayaa mashaariic kala duwan oo baaxadleh ku wada beeraha, Tamarta iyo Warshadaha.

project-drones-against-tsetse-iaea-02-1-1 project-drones-against-tsetse-iaea-03-1 project-Drones-Against-tsetse-IAEA-04

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here