Sawiro: Isbitaalka Madiina oo deeq Dawo ah la gaarsiiyay

IMG_5024Hay’adda bisha cas ee Imaaraadka Carabta ayaa maanta deeq dawo ah gaarsiisay Isbitaalka Madiina iyo Xarunta ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee magaaladda Muqdisho, kaa oo  loogu talo galay in lagula tacaalo bukaanadda ku jira isbitaalkaas iyo kuwa kale ay ururka dhaqaatiirta gaarsiin karaan.

Deeqdaan oo ka kooban 30-kartoon oo ay ku jiraan daawooyin u badan kuwa lagula tacaallo dadka Malaria-yada ama duumada qaba, ayaa 15 kartoon oo ka mid ah daawadaasi la gaarsiiyay isbitaalka Madiina, si loogu daweeyo bukaanada isbitaalka jiifa.

Dr C/xamiid Suleymaan oo ah Madaxa mashaariicda ee  hay’adda bisha cas ee Imaaraadka Carabta ayaa Warbaahinta uga warbixiyay deeqdaasi daawo ay maanta gaarsiiyeen isbitaalka Madiina.

“Khaliif Bin Sayid Al Nahyaan oo ah Madaxweynaha dowladda Imaaraadka ayay ka timid gar gaarkaan, waxaana loogu talagalay bukaanada ku jira isbitaalka Madiina, kaalmooyinka nuucaani ah way sii socon doonaan, mashruucyo horumarineed ayaan ka hirgelin doonaa qaar ka mid ah gobollada dalka, kuwaasi oo qaarkood ka bilawday degmada Afgooye” ayuu hadalkiisa ku daray.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf Xasan oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu aad uga mahadcelinayo mas’uuliyiinta Hay’adda bisha cas ee Imaaraadka, isagoo xusay in hay’addu ay ku dadaalleyso wax u qabashada umadda Soomaaliyeed.

IMG_5028 IMG_5104 IMG_50341 IMG_4990 IMG_4998 IMG_5015 IMG_5024

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here