Sawiro: Goobihii dalxiiska Masar oo isku badalay lama dagaan saxaro ah

Diyaaradii rakaabka ee Sanadkii hore ku bur burtay lama dagaanka Sinai iyo weerarada joogtada ah ee argagixisada, ayaa sababay in Goobihii dalxiiska ku wacnaa ee dalka Masar ay isku badalaan deegaano haawanaya oo cidlo ah.

Dalka Masar ayaa caan ku ahaa dalxiiska, gaar ahaan Ahraamaadka iyo magaalada Sharma Al-sheikh, balse sanadihii dambe waxaa ku yimid hoos u dhac xoogan, iyadoo dalxiisayaashii reer Galbeedka ahaa ee halkaas tegi jiray, ay gabi ahaanba joojiyeen, kadib qatar dhinaca amaanka ah oo ay dareemeen.

Bishii November ee sanadkii hore ayay ahayd markii Diyaarad Rakaab ah oo dalka Ruushka laga lahaa ay ku dhacday saxaraha Sinai, waxaana masuuliyada weerarka sheegtay kooxda ISIS oo iyadu ka dagaalanta saxaraha Sinai.

Hoteelada Sharma El-sheikh oo markii hore ahaa kuwo aad qaali ah in la kireysto, ayaa hada Qolkiiba halkii habeen waxaa lagu kireeyaa £18 oo u dhiganta 26.33 US Dollar.

Halkaan ka daawo Sawirada:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here