Sawiro: Galmudug oo soo bandhigtay maxaabiis ay al-shabaab ka qabteen

ab-maxaabiis-galmudug-8Maamulka Galmudug, ayaa maanta soo bandhigay maxaabiis Al-Shabaab ah oo ay ku qabteen dagaal dhex maray ciidamada maamulka Galmudug iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo maxaabiistan kusoo bandhigay magaalada Gaalkacyo, ayaa shaaca ka qaaday in lagu soo qabtay dagaal Galmudug iyo Al-Shabaab ku dhex maray deegaanada Bari ee gobolka Mudug.

Taliye ku xigeenka booliska Galmudug, Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb, ayaa sheegay in maxaabiistan ay qabteen ay yihiin 22, ayna u badan yihiin dhallinyaro aad u da’ yar, oo uu sheegay in lasoo qalday.

Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta Galmudug Sheekh Mursal Cabdiraxmaan Axmed ayaa sheegay in marka laga reebo afar qof, dhammaan dhallinyarada la qabtay ay yihiin kuwo da’dooda ay ka yar tahay labaatan sano.

Wasiirka ayaa dhallinyarada Shabaab ugu baqay inay kasoo baxaan kooxda, isaga oo u ballan qaaday cafis iyo dhaqan-celin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here