Sawiro: Gaas oo la kulmay wafdi ka socda midowga Yurub

IMG_4814Sabti Garowe, 25, 01, 2014. Madaxweynaha Dowladda goboleedka Puntland Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Madaxtooyada Puntland ee Garoowe wafdi ka socday Midowga Yurub uuna horkacayay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya u fadhiya Danjire, Michele Cervone.

Madaxweyne ku-xigeenka Cabdixakin Cabdulaahi Cumar iyo agaasimayaasha madaxtooyada ayaa kala qaybgalay kulankan ay la socdeen dhanka Midowga Yurub, safiirka Talyaaniga Andrea Mazzela, wakiilo ka socday safaaradaha Sweden, Norwey, UK iyo weliba mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Yurub.

Madaxweyne Gaas ayaa kala hadlay wafdiga Midowga Yurub dardargelinta mashaariicda ay ka wadaan deegaanada Puntland iyo weliba inay gacan ka siiyaan dhamaystirkooda.

Dhanka kale Madaxweynuhu waxa uu garoonka diyaaradaha ku sagootiyay hogaamiyaha KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Madoobe iyo wafdigii la socday ee Kismayo uga yimid ka qaybgalka munaasibada caleemsaarka oo shalay lagu qabtay magaalada Garowe.

Axmed Madoobe ayaa Puntland uga mahadceliyay qaabka wanaagsan ee loo soo dhoweeyay, waxana uu ku daray hadalkiisa in tusaale & hormuud u tahay maamulada dalka ka jira.

Madaxweynaha Puntland Prof. Gaas ayaa dhankiisa  ka qaybgalka caleemasaarka uga mahadceliyay Axmed Madoobe iyo wafdigiisa, isagoo intaa ku daray in dhankooda uu booqasho ku tegi doono magaalada Kismayo ee xarunta maamulka Jubaland.

-DHAMAAD-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here