Sawiro: Fanaanada Kabayare oo maanta Muqdisho soo gaartay

Fanaanada ay sida aadka u jecelyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed, Farxiya Maxamed Cabdulle (Farxiya Kabayare), ayaa maanta kasoo dagtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

640x480x739.jpg.pagespeed.ic.uGEUOdzjEe

Qeybaha bulshada iyo mas’uuliyin ka tirsan dowladda faderaalka Soomaaliya oo ay xildhibaanno qeyb ka yihiin ayaa fanaanada Muqdisho ku soo dhaweeyey,waxaana xusid mudan in Farxiya Kabayare markii ay ka soo daggatay diyaaradi siday inay dhunkatay dhulka iyadoo wejigeedana uu ka muuqday qiiro aad u weyn iyo kalgacal ay u qabto inay dib ugu soo noqoto dalkeeda hooyo.

Kabayare oo saxaafada kula hadashay qeybta nasashada ee garoonka diyaaradaha Muqdisho,waxaan ay sheegtay in dib ugu soo noqoshada dalka ay ku casuuntay hay’adda wadahadalka bulshada CCD, iyadoo xustay inay dalka ka maqneyd muddo ka badan 12-sano, waxayna sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay dalkeeda hooyo dib ugu soo laabato iyadoo ku faraxsan horumarka iyo bilicda ka muuqata magaalada Muqdisho.

640x480x1140.jpg.pagespeed.ic.HIdTaOAodO 640x480x289.jpg.pagespeed.ic.22TA5PKZ3J 640x480x374.jpg.pagespeed.ic.Q2F4CGBFb4 640x480x462.jpg.pagespeed.ic.uQIpVV17Xh 640x480x557.jpg.pagespeed.ic.TrPmXqBr8n 640x480x651.jpg.pagespeed.ic.QpgKSC12e7 640x480x651.jpg.pagespeed.ic.QpgKSC12e7 (1) 640x480x739.jpg.pagespeed.ic.uGEUOdzjEe 640x480x836.jpg.pagespeed.ic.IgNcdltsdZ 640x480x931.jpg.pagespeed.ic.qQ3i0I5Vqx 640x480x1027.jpg.pagespeed.ic.Gx4rj_Tggu 640x480x1139.jpg.pagespeed.ic.FFn7F7BUUy 640x480x1139.jpg.pagespeed.ic.FFn7F7BUUy (1)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here