Sawiro: Ergooyin kusoo qul qulaya magaalada Jowhar

img_1860Ugaas C/Raxmaan Ugaas Cabdulaahi Ugaas Maxamuud oo ka mid ah duubabka dhaqanka ee ka qeyb galaya shirka Maamul u sameynta labada gobo lee Hiiraan & Shabelaha Dhexe ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Jowhar ee Xarunta G/Shabelaha Dhexe.

Soo dhoweynta Ugaaska ayaa Waxaaka qeyb galay Mas,uuliyiinta Maamuulka Gobolka Shabelaha dhexe duubabka dhaqanka sida Imaanka . Suldaanka & Nabadoono kale ee joogay Magaalada Jowhar   kana soo jeeda labada gobol.

Qaar ka tirsan Duubaabka dhaqanka oo uu ugu horeeyo Imaan Maxamuud Yuusuf Imaan Cumar ayaa ka hadlay soo dhoweynta isagoo Ugaaska Imaanka ku tilmaamay nin u heelaan sidii looga mira dhalin lahaa Shirka Maamulka loogu sameynayo labada Gobol Imaan Maxamuud ayaa ugu mahad naqay imaatinka Magaalada Jowhar si loo dardar geliyo Shirka.

Xildhibaan Daahir Amiin jeesoow oo ku wehliyay Safarka Ugaaska ayaa ugu mahadceliyay sida qiimaha leh ee loogu soo dhoweeyay Magaalada Jowhar iyadoo aanan lookala harin soo dhoweynta xag maamul, & dubaabka dhaqanka & musharixiinta Madaxweynenimada ee doonaya Hogaanka labada Gobol.

Ugu danbeytii Ugaas C/Raxmaan Ugaas Cabdulaahi Ugaas  Maxamuud aad ugu mahad naqay sida wanaaga badan wuxuuna u duceeyay dhamaan dadkii soo dhoweeyay isagoo sheegay in uu saakay ka yimid Magaalada Kismaayo Maamul u sameynta darteedna uu ugu soo gudbay Magaalada Muqdisho uuna dhameystirmi doono Maamulka labada Gobol.

Ugaaska ayaa u duceeyay Salaadhiinta Siyaasiyinta & Dhamaan Mas,uuliyiinta Gobolka & Taliyeyaasha Ciidamada & Shacabka labada Gobol sida qiimaha leh ee ay usoo dhoweyeen Ugaaska C/raxmaan.

Magaalada Jowhar Xarunta Gobolka Shabelaha Dhexe ayaa waxaa ku sugan Dubaab badan oo dhaqanka ah & weliba Ergooyiin doonaya in laga mira dhaliyo Shirka Maamulka loogu sameynayo labada gobol iyadoo Musharixiin doonaya Xilka Madaxweynenimada ku suagn yihiin.

img_1824 img_1838 img_1859 img_1860 img_1868 img_1869 img_1875 img_1885 img_1893 img_1917 img_1926

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here