Sawiro: Eedeeysanayaasha weerarkii Daallo oo maxkamad milatari la horkeenay

eedeynsanayaal-qarax-daallo-4Maxkamadda ciidanka qalabka sida ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwada 13 eedeysane oo lagu tuhunsan yahay in ay ka danbeeyeen qaraxii bishii Febraayo lagu qaaday diyaaradda Daallo Airline xili ay hawada ku jirtay.

Eedeysanayaashaan ayaa maxkamadda la horkeenay, iyadoo arrintan ay ka danbeysay baaritaan mudo socday oo hay’addaha amniga iyo kuwo ajaaniib ah ay ku lug lahaayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in qaraxii ka dhex dhacay gudaha diyaaradda uu ahaa weerar argagixiso oo aanu aheyn shil iska caadi.

Dadka la horkeenay Maxkamadda ayaa isugu jira saraakiil laamaha ammaanka garoonka ka tirsanaa, howl wadeeno garoonka ka tirsanaa, xamaali iyo dad kale oo loo heystay inay wax ka abaabuleen weerarkan.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa dib u dhigay dhageysiga dacwada, isla markaana tilmaamay in mar kale dib la isugu soo laabto.

Weerarkii lagu qaaday Diyaaradda Daallo Airline 2-dii bishii Febraayo ee sanadkan ayaa waxaa mas’uuliyadeeda sheegatay Kooxda Al-Shabaab.

eedeynsanayaal-qarax-daallo eedeynsanayaal-qarax-daallo-1 eedeynsanayaal-qarax-daallo-2 eedeynsanayaal-qarax-daallo-3 eedeynsanayaal-qarax-daallo-4

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here