Sawiro: Xoolo badan oo ku dhintay duqeymaha Kenya ee Gedo

Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Ceel-cade ee Kenya looga dilay askarta badan, ayaa Diyaaradaha dagaalka Kenya waxay duqeymo aan kala joogsi laheen ka wadeen qeybo kamid ah Gobolka Gedo, duqeymaha ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah.

Duqeymahan bilowday tan iyo markii Al-Shabaab weerareen saldhiga ciidamada Kenya ee Ceelcadde, ayaa waxaa ay diyaaradaha Kenya beegsanayeen deegaano ku dhow Bu’aale ee gobolka Jubadda Dhexe iyo Gedo.

Guddoomiyaha degmada Garbaharey ee gobolka Gedo Sheekh Nuur Maxmed Buraale ayaa ciidamada Kenya ku eedeeyay inay duqeyn aan loo aabo yeellin ku hayaan deeggaano ka tirsan gobolka Gedo.

Sheekh Nuur Maxmed Buraale ayaa VOA u sheegay in tan iyo wixii ka danbeeyey weerarkii Ceel-cadde ay ciidamada Kenya wadaan duqeyn xiriir ah, wuxuuna sheegay in meelaha ay duqeynayaan aysan ku sugnayn sida uu hadalka u dhigay maleeshiyada al-Shabaab. Sheekh Nuur wuxuu sidoo kale ka hadlay, khasaarihii ciidamada Kenya ka soo gaaray weerarkii Ceel-cadde.

Sawirradaan ayaa waxaa ka muuqda ari farabadan oo ku geeriyooday iyo oday waayeel ah oo ka badbaaday duqeymahaasi.

Xoolo ku dhintay duqeymaha Kenya
Xoolo ku dhintay duqeymaha Kenya

xasuuq-kenya-2 xasuuq-kenya-3 xasuuq-kenya-4 xasuuq-kenya-5 xasuuq-kenya-7 xasuuq-kenya-8

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here