Sawiro: Dhaq dhaqaayo kasocda Hiiraan, Bay iyo Bakool

1795501_671575142881454_1974950437_nCiidamada Ethiopia iyo kuwa DFS, ayaa dhaq dhaqaaqyo milatari oo xoogan ka bilaabay Gobolada Hiiraan, Baay iyo Bakool.

Ciidamo Ethiopian ah oo aad u farabadan, ayaa lagu soo waramayaa ineey ku dhaqaaqeen wadada aada dhankaas iyo Buula-burde oo ay hada maamulaan Al-shabaab.

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan Buulaburde, ayaa sheegaya in Saraakiisha iyo Ciidamada Al-shabaab ay bilaabeen ineey magaalada kala baxaan Caruurtooda iyo Xaasaskooda.

Dhanka kale, Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ka ambabaxay degmooyin kamid ah gobalka Bakool ayaa ku wajahan degmada XUdur oo xarun u ah gobalkaasi.

Guddoomiyaha dowladda ee magaalada Xudur Maxamed Macallin ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay diyaariyeen una dhaqaaqeen dhanka magaaladaasi Xudur si ay uga saaraan Alshabaabka heysta muddada dheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here