Sawiro: Ciidamo katirsan XDS oo la dalacsiiyay

DSC072421Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta dallacsiiyay askar ka tirsan xoogga dalka, iyagoo ugu hambalyeeyay saraakiisha iyo ciidamada guulaha ay ka gaaren howlgallo ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Jeneraal Daahir Aaden Cilmi oo maanta xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho uga qeybgalay kulan lagu wacyigelinayay saraakiisha ciidamada xoogga dalka  ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay howlgalladii ay ciidamadu ka xoreeyeen deegaanka Gendershe iyo deegaanno kale oo hoos tegga gobolka Shabeellaha Hoose waxa uuna xusay in saraakiisha hogaaminaysay ay ku amaananyihiin howshaasi adag oo ay dadkooda u qabteen.

Taliyaha ayaa ballanqaaday in dhawaan dalka oo dhan gacanta cadowga laga saari doono, si loo soo celiyo kala dambeyntii iyo xasiloonidii dalka ka jirtay.

Sidoo klae Agaasimaha wacyigelinta Madaxtooyada Qaranka  Sheekh Cabdullaahi Cumar Ciid ayaa kula dardaarmay saraakiisha ciidamada hogaamisa inay shacbiga ka ilaaliyaan dhibaatada oo ay soo dhaweyn, islamarkaana kula dhaqmaan si wanaag.

Dhanka kale Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Daahir Aaden Cilmi ayaa darajooyinka Alifle,2 Alifle iyo 3 Alifle ku dallacsiiyay askar ka tirsan xoogga dalka, kuwaasoo uu ku ammaanay howlkarnimada iyo sida ay u qaataan awaamiirta ay faraan Madaxdooda, isagoo gacantiisa ugu xiray darajooyinkaasi.

Taliska Xoogga dalka oo la kaashanaya Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa qorsheynaya in gacanta cadowga laga saaro goobaha ay haatan ku harsanyihiin Al-Shabaab, iyadoo Xukuumadda cusub ay sanadkan 2014 ugu magac dartay sanadkii dib u dhiska ciidamada iyo ka xoreynta dalka cadowga Al-Shabaab.

RM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here