Sawiro- Ciidamada NISA oo qabtay Laptobyo ay ISIS ku diyaarinayeen qaraxyo

NISA oo qabatay Laptobyo qaraxyo lagu diyaarinayay
NISA oo qabatay Laptobyo qaraxyo lagu diyaarinayay

Muqdisho: Wararka naga soo gaaraya degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya ay qabteen gaari iyo sidoo kale 7 laptop oo la doonayey in weerar qaraxyo ah lagu fuliyo .

Saraakisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in ay soo qabteen ruuxii watay gaariga iyo Laptopyada la dooneyey in weerarka lagu qaado.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaliya ay soo qabteen ninkii computerada Qaraxyada ku sameynayey oo ku sugnaa degmada Howlwadaag.

Sida aad sawirada ka arki kartaan, waxaa qaraxyadaan diyaarinayay Unugyo kamid ah Daacishta Soomaaliya.

Wali kama hadlin lamaaha amniga dowladda Soomaaliya.

13165853_925201417592649_2501994814177828950_n13178754_925201484259309_1645957883935761825_n 13179020_925201580925966_4585693877989622910_n 13221024_925201680925956_2888923413304922293_n 13226984_925201734259284_5321897023299262868_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here