Sawiro: Chelsea oo xalay si Mucjiso leh kusoo baxday

Soccer - UEFA Champions League - Quarter Final - Second Leg - Chelsea v Paris Saint-Germain - Stamford BridgeNaadiga Chelsea, ayaa xalay si mucjiso ah ugu soo baxday wareega Rubuc dhamaadka Koobka Champion League, kadib markii ay 2-0 ku dubteen Naadiga Reer Faransa ee PSG.

Lugtii hore ayaa Chelsea waxaa looga soo badiyay 3-1, waxaana ciyaarta guud ahaan ay ahayd 3-3, laakiin Chelsea ayaa ku soo baxday Goolka ay kusoo dhaliyeen Guriga PSG.

Ciyaarta Xalay oo ahayd mid ay inta badan gacanta sare lahayd Chelsea, ayaa qeybtii hore waxaa lagu kala nastay 1-1, waxaana Chelsea Goolka u dhaliyay Andre Schurrle.

Chelsea ayaa qeybtii 2aad markii laysugu soo laabtay weerar culus ku qaaday Goolka PSG, laakiin Daafac adag ayay la kulantay.

Andre Schurrle, ayaa ahaa mid fadhiya keydka ilaa daqiiqadii 17aad, markaasoo lagu badalay Laacibka Hazard oo ciyaarta dhaawac uga baxay.

Daqiiqadii 88aad ayay ahayd markii ay Chelsea u rumowday Riyadii Possible Mision, kadib markii uu Goolka dahabiga u dhaliyay wiilka reer Senegal ee badalka kusoo galay Demba BA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here