Sawiro: Buug ka hadlaya dhibaatooyinka Soomaalida K. Afrika oo lasoo bandhigay

so4-640x427Buugaan oo loogu magacdaray dhageysashada codadka oo laga diyaariyay Soomaali u badan haween oo ku nool Koonfur Afrika ayna soo diyaarisay Hay’adda Action Support Center oo kaashaneysa Jaaliyadda Somali Community Board ayaa waxaa lagu soo bandhigay Johannesburg.

Madasha lagu soo bandhigayay Buugaan ka hadlayay Soomaalida K/Afrika ayaa waxaa lagu casuumay qaar ka mid ah Soomaalida Ganacsatada ee Johannseburg ayadoo ay kasoo qeyb galeen Mas’uul ka socday Waaxda bixinta sharciyda (Home Affairs), Hay’adda JRS, Haweeney ka tirsan Ururka Haweenka Koonfur Afrika, qaar ka mid ah jaaliyaddaha la nool Soomaalida, mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Action Support Center iyo Hogaanka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa waxaa hadalo lagu dhiirigalinayay soosaarida buugaan ka jeediyay xubnihii kasoo qeybgalay.

so1

Gudoomiye kuxieenka Jaaliyada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika Cabdullaahi Bashiir Mahdi oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulanka sheegay in buugaan ay ku jiraan qisooyin xanuun badan.

” Buugaan waxaa iska kaashaday soo saaristiisa Somali Community Board iyo Ha’adda Action Support Center intii aan wadnay qoraalka Buugaan waxaan la sheekeysanay Wariyaal Soomaaliyeed,Haween iyo dad kale waxey ka sheekeeyeen Qisooyin xanuun ku reebay quluuubtooda” ayuu yiri C/laahi Tia Gaab.

so3

Gudoomiyaha xaafada Soomaalida kaga nooshahay magaalada Johannesburg ee Mayfair Mudane Jerry Musesi oo ka hadlay munaasabadii lagu soo bandhigayay buugaan laga qoray dhibaatooyinka Soomaalida ay dalkooda Koonfur Afrika kula kulmeen ayaa sheegay in buugaan ay ku faafin doonaan goobaha ay dadka Koonfur Afrikaanka ah ku kulmaan si ay u ogaadaan in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin kasoo carareen ee aysan dhaqaalo doon aheyn.

Buugaan ay soo bandhigeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika iyo hay’adda Action Support Center ayaa ka mid noqonaya buugaag horay looga qoray Soomaalida qurba joogta ah ee iyagu gudaha Soomaaliya dhibaatooyin ay uga soo carareen ay haddana kuwo kale oo ka daran ku qabsadeen wadamadii ay tageen oo ay South Africa ka mid tahay.

so5 so6 so7 so10 so11

Xigasho: SONNA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here