Sawiro-Boolis & shacab ku dhintay qarax Muqdisho ka dhacay

920x920Inta la ogyahay 5-ruux ayaa ku geeriyootay qarax loo adeegsaday gaari oo ka dhacay degmada Shangaani ee gobalka Banaadir.

Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir, C/fataax Xalane, ayaa warfidiyeenada u sheegay in dadka geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah labo ruux oo la socday gaariga ay ka buuxeen walxaha qarxa, kuwaasi oo ahaa naftood halligayaal, waxaana ka hortagay oo toogtay Ciidanka ammaanka.

1024x1024 (1)

Sidoo kale dadka geeriyooday waxaa ku jiray kuwo shacab ah oo marayay waddada xilliga uu Qaraxa dhacayay, waxaana uu dhaawac ka soo gaaray 8-qof oo rayid u badan.

1024x1024 (2)

Qaraxa ayaa la doonayay in lagu galo xarunta ciidanka Ilaalada wadooyinka ee Fiisha Taraafiko oo ku taalada degmada Shangaani, hayeeshee ciidanka ammaanka ayaa ka hortagay.

1024x1024

Goobta uu ka dhacay qaraxa ayaa haatan waxaa ku sugan saraakiil ka tirsan dowladda iyo waliba ciidamo badan, kuwaasi oo adkeeyay ammaanka goobta.

article-doc-ad1c8-3A2Dy098f29967bdbd36996dd514-463_634x420

Kooxda Al-Shabaab ayaa caadeystay weerarada nuucaan oo kale ah oo markasta ay fashiliyaan Ciidanka ammaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here