Sawiro argagax leh: Dooni siday tahriibayaal oo ku degtay Badda Mediterranean-ka

Ciidamada Badda Italy oo badbaadiyay ilaa 600 oo muhaajiriin ah
Ciidamada Badda Italy oo badbaadiyay ilaa 600 oo muhaajiriin ah

Inta la xaqiijiyay ilaa 5 tahriibayaal ah ayaa ku dhintay Dooni ku degtay Badda Mediterranean-ka ee u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga.

Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Dagaalka Talyaaniga, ayaa usoo gurmaday Doonida dagatay, waxaana weli socda badbaadinta dadkii saarnaa, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashada ay intaas kor uga sii kacdo.

Sawiro naxdin leh oo laga soo qaaday Doonida degtay, ayaa muujinaya in Doonida ay saarnaayeen tiro muhaajiriin ah oo xad dhaaf ah, kuwaasoo markii ay Doonida dhinac u jaleecday hal haleel isugu tuurayay Biyaha.

Talyaaniga ayaa xaqiijiyay in 48 saacadood ee lasoo dhaafay ciidamadooda ay badbaadiyeen ilaa 600 muhaajiriin ah, kuwaasoo badankooda ka kala yimid dalalka Afrika iyo wadamada carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here