Sawiro: 14 qof oo ay dileen Ciidanka Itoobiya oo lagu aasay Gobolka Baay.

Saraakiisha ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM
Saraakiisha ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM

Ciidanka Itoobiya ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa waxay gelinkii dambe ee Axadii Gobolka Baay ay ku dileen 14 qof oo dhammaantood rayid ahaa.

Dadkan, ayaa waxaa lagu laayay Deegaanka Wardiinle oo qiyaasti 3km u jirta Deegaanka Awdiinle. Awdiinle ayaa 30km u jirta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ciidanka Itoobiya oo la sheegay in ay ku raadjooggeen maleeshiyaad ka tirsan mintidiinta Al Shabaab, ayaa ka duldhacay dad masaakiin ah, iyagoona si bareer ah kula dhaqaaqay inay dilaan, markii ay ku eedeeyeen in ay ka qarinayaan Shabaab, isla-markaana ay gabaad-siinayaan.

Laba ka mid ah dadka la laayay, ayaa waxaa la sheegay in Ciidanka Itoobiya ay gowraceen, halka laba iyo tobanka kalana ay rasaas ku dileen, sida uu xaqiijiyay C/qaadir Cali Xalane, oo dadkii la dilay uu ku jiray aabihii.
Dadkan, ayaa isugu jiray Culima’udiin, Macaliin iyo Odayaal laga garanaayay Wardiinle, waxayna tallaabada lagu dilay argagax badan gelisay bulshada ku dhaqan halkaasi.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa maanta gaaray Deegaanka Wardiinle, si ay u soo qiimeeyaan wixii halkaasi ka dhacay.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow, ayaa waxaa uu dafiray in Ciidanka Itoobiya ay si bareer ihi u laayeen dadkaasi, waxaana uu Shabaabku ku eedeeyay in ay iyagu rasaas ka soo dhex rid

13707748_740475999425090_1608899784570238347_n 13716222_740475912758432_1267817420663330204_n 13718735_740475952758428_974767600817819486_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here