Sawiro: 11 qof oo ku dhimatay Qaraxyadii cawada

Hotelka Jaziira ee la qarxiyay
Hotelka Jaziira ee la qarxiyay

Sadex Baabuur oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo Cawada fiidkii lagu weeraray Hotelka Jaziira, ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku nafwaayay ilaa 11 ruux 17 kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray.
Hotelkan la weeraray, ayaa ku yaala meel u dhow Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana inta badan dagan Siyaasiyii, masuuliyiin ka tirsan DFS, iyo ajaanib Cadaan ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya, in Ragga weerarka soo qaaday iyo ilaalada Hotelka, ay Rasaas xoogan mudo is weeydaarsanayeen.

Kooxda Shabaab oo wali kataliya qeybo kamid ah, Dalka, ayaa weeraro iyo Qaraxyo wali kawada Caasimada Dalka.

“Koow waxaan maqalnay Qarax xoogan, dabadeedna waxaa xigtay Rasaas xoogan” sidaas waxaa wakaalada Wararka Reuters u sheegay C/laahi Xusseen oo kamid ah dadka deegaanka.

Sida la xaqiijiyay dadka dhintay, waxaa kujira 4 kamid ah Ilaalada Hotelka iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Boondheere.

Hotelka Jaziira ee la qarxiyay
Hotelka Jaziira ee la qarxiyay

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Gen C/xakiin Daahir Saacid oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in caawa fiidkii ciidamada dowladdu ay banaanka hore ee hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho, ku fashiliyeen Labo Qarax oo loo adeegsaday gawaari walxaha qarxa lagu soo xiray, kuwaas oo ciidamadu tacshiirad la beegsadeen ka hor inta aysan soo gaarin iridda hore ee Hoteelka .

Gen. Saacid ayaa xusay in gaariga hore uu ku qarxay meel ka baxsan iridda hore ee hotelka, isagoo intaa ku daray in daqiiqado kadib ay sidoo kale ciidamadu fashiliyeen qarax kale oo isna loo adeegsaday gaari, isagoo intaa raaciyay in ciidamadu ay toogasho ku dileen Labo ka tirsanaa maleeshiyaadka Shabaab oo ismiidaaminayay kuwaas isku dayay iney galaan hoteelka, halka kuwo kalena ay ku dhinteen qaraxyada.

“Ciidamada dowladdu waxey ku jireen heegan buuxa tan iyo habeen hore kadib markii aynu ka war helnay qaraxyadaasi, hase yeeshee caawa ciidamadu waxey fashiliyeen dhamaan qaraxyadaasi argagixiso, iyagoo difaacay dadka iyo dadka’’ Ayuu yiri Gen. Saacid Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Ma jirto cid weli sheegatey, waxaase qaraxyada caynkan oo kale ah fulin jirey kuwo ururka al-Shabaab ka tirsan. Masuul sare oo u hadley Xarakada al_Shabaab ayaa laba maalmood ka hor u digey shacabka Muqdisho, waxaana uu ka codsadey in ay ka fogaadaan goobaha ciidamada dowladda iyo AMISOM oo ay weerar kuq aadi doonaan, Maamulka Gobolka Banaadir ayaase digniintaas ku sheegey naflacaari, waxaana ay shacabka u sheegeen in aysan dheg jalaq u siin goodinta al-Shabaab.

Hotel al-Jazeera ayaa ku yaala meel ku dhaw Garoonka Diyaaradaha, waana goobo si weyn loo ilaaliyo, Hotel al-Jazeera ayaa ah halkii qaraxa lagula beegsadey Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud doorashadiisi laba maalmood kadib doorashadiisi isaga oo la kulmaaya wefdi ka socdey dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here