Sawiro: 10-kii sheeko ee ugu xiisaha badnaa kubadda cagta 2015

Iyadoo maalmo qura ay naga xigaan sanadka cusub ee 2016, ayaa waxaan jecleeysanay inaan idiin soo gudbino sheekooyinkii ugu xiisaha badnaa ee sanadkaan sii dhamaanaya 2015 ka dhacay Kubadda Cagta.

Leicester oo ka yaabsatay caalamka:

during the Barclays Premier League match between West Bromwich Albion and Leicester City at The Hawthorns on April 11, 2015 in West Bromwich, England.
during the Barclays Premier League match between West Bromwich Albion and Leicester City at The Hawthorns on April 11, 2015 in West Bromwich, England.

Sheekada ugu xiisaha badan ee sanadkaan ka dhacday Kubadda cagta Ingiriiska waxay tahay Leicester City oo sanadkii lasoo dhaafay dirqi kaga badbaaday u laabashada heerka 2-aad, ayaa hada 2 dhibcood ku hogaamineysa Horyaalka Ingiriiska, waxaana laga badiyay hal kulan oo qura, Arsenal ayaana ka badisay.

Sidoo kale sheekada layaabka leh ayaa ah, in weeraryahanka Leicester Vardy uu 12 kulan oo xiriir ah shabaqa soo taabanayay, waxaana uu jebiyay rikoor mudo dheer u yiilay weeraryahankii hore ee Manchester United Ruud Van Nistelrooy, sidoo kale Riyad Mahrez, ayaa isna sameeyay mucjiso.

2015 waa sanad uu xasuusan doono Rooneey-Taageerayaasha Unitedna ay iska iloowi doonaan:

during the Barclays Premier League match between Manchester United and Norwich City at Old Trafford on December 19, 2015 in Manchester, England.
during the Barclays Premier League match between Manchester United and Norwich City at Old Trafford on December 19, 2015 in Manchester, England.

Marka uu gabi ahaanba ka fariisto Ciyaaraha, Wayne Rooneey waxa uu gadaal u fiirin doonaa sanadkaan sii dhamaanaya ee 2015, kaliya maahan inuu xulkiisa England u saftay 100 kullan, ee sidoo kale waxa uu jebiyay rikoor mudo dheer u yiilay halyeey Bobby Chartlon, waxaana Rooneey uu hada yahay ciyaaryahanka ugu goolasha badan xulka England, sidaas darteed sanadkaan sii dhamaanaya ee 2015 ayaa waxay tahay in taageerayaasha United ay sii aaminsanaadaan Rooneey, kaasoo xili ciyaareedkaan dhaliyay 6 Gool oo qura.

Barcelona oo ku guuleeysatay dhamaan Koobabkii ay ka qeyb gashay:

during the UEFA Champions League Final between Juventus and FC Barcelona at Olympiastadion on June 6, 2015 in Berlin, Germany.
during the UEFA Champions League Final between Juventus and FC Barcelona at Olympiastadion on June 6, 2015 in Berlin, Germany.

Sandkaan sii dhamaanaya ee 2015 bilawgiisa, gaar ahaan Bishii January 4-teedi, ayay ahayd markii ay Real Sociedad 1-0 ku garaacday Barca, markaasoo tababare Luis Enrique uu kurisga keydka galiyay xidigihiisa ugu caansan ee Neymar iyo Messi.

Tababare Luis Enrique, ayaa waxaa xiligaas fuulay cadaadis xoogay, iyadoo xerada tababarka ay iskula dhaceen Leo Messi, waxaana saxaafada maalmahaas ay aad u hadal heysay in Messi uu Barca ka tegayo.

Isbuucii xigay ayaa Luis ciyaar ay Barca kahor tagtay Atletico Madrid, waxa uu garoonka isla geliyay Neymar,Messi iyo Suarez, waxaana Barca ay ku badisay 3-1.

Barca wixii markaas ka dambeeyay waxa ay gaareeysay guulo is xig xigay, iyadoo MSN ay dhaliyeen 134 Gool.

Gerrad oo ka tegay Liverpool:

<> at Anfield on May 16, 2015 in Liverpool, England.
<> at Anfield on May 16, 2015 in Liverpool, England.

12-kii Bilood ee lasoo dhaafay Garoonka Anfield, waxaa kajiray sheekooyin badan oo aad u xiiso badan, gaar ahaan markii uu Halyeey Gerrard ku dhawaaqay inuu ka tegayo halkii uu kusoo barbaaray. Go’aankaas oo u muuqday mid sax ah, ayaa hadana dhanka kale waxaa aad loo tebay khibradiisa iyo laadadkiisi kululaa.

Sanadkaan sii dhamaanaya Liverpool waxa uu ahaa sanad mugdi ah, gaar ahaan kulankiisi ugu dambeeyay Gerrard, markaasoo Stoke City ay Liverpool ku garaacday 6-1.

Sidoo kale Gerrad ayaa sheegay in maskaxdisa aysan marnaba ka go’i doonin habeenkii xusuusta lahaa ee ay Milan ka qaadeen Koobka Horyaalada Yurub 2005.

Walaalaha Nevilles oo qabtay maamulka Valencia:

 during the UEFA Champions League Group H match between Valencia CF and Olympique Lyonnais at Estadio Mestalla on December 9, 2015 in Valencia, Spain.
during the UEFA Champions League Group H match between Valencia CF and Olympique Lyonnais at Estadio Mestalla on December 9, 2015 in Valencia, Spain.

Sheekada kaloo xiisaha leh ee sanadkaan dhacday waxay tahay in walaalaha reer England ee Garry Neville iyo Philip Neville ay qabteen shaqada tababaranimo ee Valencia. Garry oo ah macalinka 1-aad ayaa ilaa iyo hada waxa uu u dagaalamayaa siduu u heli lahaa guushiisi 1-aad ee Horyaalka.

Ka tegidii Sterling ee Liverpool:

during the Barclays Premier League match between XXX and XXX at Etihad Stadium on October 17, 2015 in Manchester, England.
during the Barclays Premier League match between XXX and XXX at Etihad Stadium on October 17, 2015 in Manchester, England.

Mid kamid ah xidigaha usoo baxaya xulka England, Raheem Sterling ayaa sanadkaan sii dhamaanaya qabsaday dhamaan boggaga hore ee Ciyaaraha.

Xidigaan 21 jirka ah ayaa Liverpool sanadkaan sii dhamaanaya lasoo qaatay waqti aad u adag, waxaana Liverpool xili ciyaareedkii lasoo dhaafay ay ku dhamaysatay kaalinta 6-aad. Sterling ayaa go’aansaday inuu isaga tago Anfield, waxaana uu lacag rikoor ah ugu biiray Man City iyadoo ku iibsatay  £49million.

Musuqmaasuqa FIFA:

Sepp-Blatter

Xiriirka kubadda cagta adduunka ayaa waxaa argagax galiyay dacwadda musuq maasuqa baahsan ah ee ka dhanka ah masuuliyiintii sar sare ee hore iyo ku dhawaaqidda baaritaano kala duwan oo ay masuuliyiinta Swiss-ka ku sameynayaan eedeymaha lala xiriiriyay ee ku saabsan siinta koobka adduunka ee sanadada 2018-ka iyo 2022-ka. Dhowr ka tirsan saraakiisha FIFA ayaa lagu xiray Zurich.

Eedeymaha Maraykanka waxaa ku jira 47 dacwadood oo ka dhan ah 14 qof oo loo haysto laaluush, khayaano, iyo lacag kala gudbin taasoo ay dacwad oogayaashu sheegayaan inay ku lug leeyihiin masuuliyiinta warbaahinta oo bixinaya ama oggolanaya bixinta in ka badan 150 milyan oo dollar oo ay ku baddalanayaan xuquuqahooda suuq gaynta ee dhacdooyinka.

BB5E4A06-959D-4693-9EF3-5B8F2EBCA2E0_w640_r1_s

Wasaaradda Cadaaladda ayaa arrintaa ku sifeysay “heshiis 24-sano ah oo ay isku naasnuujinayaan iyagoo u maraya inay musuq maasuqaan cayaaraha adduunka.

Masuuliyiin ku sugan Zurich ayaa xir xiray todoba sarkaal oo ka tirsan FIFA Arbacan maanta ah iyadoo ay socoto in loo soo musaafuriyo Maraykanka . Saraakiisha dalkan maraykanka ayaa waday baaritaan dheeraad ah oo amar xiritaan ah lagu jarayo Arbacan gudaha magaalada Miami, wasaaradda cadaaladdana waxay sheegtay in afar qof oo kale ay mar horeba sheegeen kaalinta ay ku leeyihiin dacwaddan.

Klopp oo noqday tabaraha Liverpool:

Jurgen Klopp at Anfield is unveiled as the new manager of Liverpool FC during a press conference at Anfield on October 9, 2015 in Liverpool, England.
Jurgen Klopp at Anfield is unveiled as the new manager of Liverpool FC during a press conference at Anfield on October 9, 2015 in Liverpool, England.

Bishii October ee lasoo dhaafay maamulka sare ee Liverpool ayaa go’aansaday ineey shaqada ka eryaan Brendan Roders, kadib markii uu tababarahaan kasoo jeeda waqooyiga Ireland uu waayay kalsoonida taageerayaasha Anfield.

Intaas kadib ayaa maamulka Liverpool waxay ku guuleeysteen ineey Anfield keenaan mid kamid ah tababarayaasha dunida loogu jecelyahay ee Klopp, kaasoo islamarkiiba si dardar leh ku bilaawday, waxaana uu 3-1 ku garaacay Chelsea, sidoo kale Man City ayay Liverpool ku garaacday 4-1, waxaa xigtay guushii weyneyd ee ay Southampton uga badiyeen 6-1.

Heshiiskii guul dareystay ee uu De Gea ugu wareegi rabay Real Madrid:

during the Barclays Premier League match between Leicester City and Manchester United at The King Power Stadium on November 28, 2015 in Leicester, England.
during the Barclays Premier League match between Leicester City and Manchester United at The King Power Stadium on November 28, 2015 in Leicester, England.

Sanadkaan sii dhamaanaya ee 2015 waxa uu xusuus gaar ah u noqon doonaa naadiga boqortooyada Spain ee Real Madrid, kadib markii saacadihii u dambeeyay suuqa kala iibsiga ay ku guul dareysteen ineey lasoo saxiixdaan Goolhayaha Manchester United De Gea.

Los Blancos ayaa rajo ka qabtay inay helaan goolhayaha caalamiga ah ee dalka Spain maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga, ka dib markii ay heshiis Red Devils kala gaareen lakiin mardambe uu bur buray,

Heshiskaas ayaa lagu sheegay inuu ahaa £ 29 million oo uu De Gea ku imaan lahaa Madrid halka Keylor Navas uu u dhaqaaqi lahaa Old Trafford.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiska auaa bur buray sabab la xiriirta waraaqadaha oo ay labada dhinac isku fahmi wayeen.

Musiibada Mourinho & Chelsea:

during the UEFA Champions League match between Chelsea and FC Porto at Stamford Bridge on December 9, 2015 in London, United Kingdom.
during the UEFA Champions League match between Chelsea and FC Porto at Stamford Bridge on December 9, 2015 in London, United Kingdom.

Lama oga halka ay Chelsea ku dhameysan doonto xili ciyaareedkaan,Sanadka 2015 Chelsea waxay u noqon doontaa sanad ay xasuustaan oo ay dib u fiiriyaan.

Blues, waxay ku guuleeysatay Horyaalka Ingiriiska, Hazard waxa uu noqday ciyaaryahankii sanadka, Costa waxa uu tartan ugu jiray gool dhalinta Horyaalka halka Fabregas isagana uu ahaa caawiyihii ugu wanaagsanaa-balse waxaasoo dhan waxaa badalay in Chelsea ay hada baxsad ka tahay u laabashada heerka 2-aad, Costa waxa uu dhaliyay 3 Gool oo qura, wax walbo waxay isku badaleen caksi.

Xigasho: Teamtalk

Waxaa Tarjumay: Bashiir Addow

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here