Muuqaalada shaqaalihi ajnabiga ahaa ee lasoo furtay

Sawirki ugu horeeyey oo muujinaya muuqaalka shaqaalihi ajnabiga ahaa ee ay maanta ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya kasoo badbaadiyeen kooxo afduub ugu heystay gudaha Soomaaliya ayaa lasoo daayey.

Sawiro ay soo bandhigeen wakaaladaha wararka ayaa muujiyey in ay caafimaad qabaan kadib marki ay galabta gaareen magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Diyaarad helkobtar ah oo uu leeyahay milatariga Kenya ayaa ka qaaday magaalada DHoobley iyada oo ka dajisay garoonka Wilson airport halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Shaqaalaha oo ka koobnaa afar ruux oo laba ka mid ah rag yihiin labada kalana dumar ayaa iyaga oo faraxsan waxa ay ku salaameen saraakiisha hey’ada Norweigan Refugee Council (NRC), safiirada dalalka ay kasoo jeedaan, saraakiil Kenyan iyo iyo qaraabadooda.

Taliyaha ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ee Gobolada Jubooyinka, General Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in ay ku qabteen ragi afduubayaasha iyo laheystayaashaba deegaan 30-km u jiro Dhoobleey kadib marki ay kusoo dhaceen meel ay difaac uga jireen ciidamada dowlada.

“Ciidamada xooga dalka iyo kuwa Kenya ayaa iska kaashaday waxaanu howlgalka ka dhacay deegaan lagu magacaabo Cali Goleey, shaqaalaha aan soo badbaadinay wuxuu ka koobnaa afar cadaan laba haween iyo laba rag ah iyo sadex afduubayaasha ah, mid ka mid ah afduubayaasha nolol ayaan ku dilnay, waxaan hada lagu daweynayaa xerada Amisom ee degmada Dhoobleey,” ayuu yiri.

Afhayeenka ciidamada milatariga Kenya,  Cyrus Oguna oo goor hore oo maanta ah la hadlay wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegay in shaqaalahan ku badbaadiyeen howlgal wada jir ahaa.

Jimcihi hore ayaa laga soo afduubay xerada Dhadhaab ee dalka Kenya, tan iyo markaasna waxaa socday howlgalo lagu baadigoobayey.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.