Sawirki ugu horeeyey ee ciyaaryahan Muamba kadib xanuunki wadnaha

Qoyska ciyaaryahan Fabrice Muamba ayaa shaaciyey sawirki ugu horeeyey isaga oo isbitaalka wali ku jira tan iyo marki wadnaha laga qabtay ee uu galay xaalada halista a.

Laacibkaan u dhashay dalka Ingiriiska balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Congo, kana tirsan kooxda Bolton ee dalka England ayaa qatar galay inti ay socotay ciyaar dhex maraysay kooxdiisa iyo Tottenham.

Sawirkan cusub waxaa boga Twitter ku shaaciyey gabadha u alkuman isaga oo la yiraahdo Shauna, taasi oo mobile-keeda uga soo qaaday sawirka isaga oo jiifa qolkiisa isbitaalka lagu daweynayo ee magaalada London.

Wuxuu noqday sawirki ugu horeeyey tan iyo 17-ki bishaan markaasi oo uu jooga ka dhacay inti ay socotgay ciyaar ka tirsaneyd FA Cup, waxaana 23-jirkaan loo maleeyey inuu dhintay iyadoo ciyaartiina la joojiyey iyada oo mareysay 41-daqiiqo.