Daawo Sawirada weerarkii Liido oo qabsaday baraha bulshada

Liido Attack
Liido Attack

Dadka Soomaaliyeed ayaa bilaabay inay bogagga bulshada ay ku soo qoraan farriimo ah inay sii wadi doonaan booqashada xeebta Liido ee magaalada Muqdisho kadib weerarkii Khamiistii oo lagu dilay labaatan qof.

Boqolaal sawirro dad ku dabaalanaya xeebta, qaar kubbad ku cayaaraya iyo kuwo ku raaxeysanaya ayaa la soo geliyay bogagga internet-ka iyada oo la raaciyay calaamadda ‘tweetlidopictures’ oo micnaheedu yahay soo geliya sawirada Liido – waxaana ay ku muujinayaan in aanay cabsi gelin doonin weerarradaasi oo dadku ay noloshooda wadan doonaan.

Dhawr makhaayado laga cunteeyo iyo hotelo ayaa laga sameeyay meelaha u dhaw xeebta Liido tan iyo markii kooxda Islaamiga ee al-Shabaab ay isaga baxday magaalada Muqdisho shan sano ka hor.

Al-Shabaab waxay sheegtay in sababta ay u weerartay makhaayadaha ay tahay in ay yimaadaan madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Halkaan ka daawo Sawirada:

2 COMMENTS

  1. Meeshaani Cadaalad kama jirto !!!

    Yaa masuuliyadeeda qaadanaayo Qasaaraha intaasi la eg ee isugu jira Naf,maal & hantida dadka shacabka ah ee ka dhashey weerarka ??

    Wax weyn ayaa meeshaani ka qaldan, midaamka cadaaladeed ee dalka ka jiro ( WAA IN LAGUN NOQDAA )

    Dambiga intaasi la eg CIDA KA DAMBEYSO muxuu noqon doonaa Ciqaabta la marasiiyo ?

    Soomaalida waa cidma uma maqna ceelna uma qodna. Nimanka waxaas oo bur bur ah geystay waxay ustaahilaan in la marsiiyo ciqaab adag oo iyagaa & kuwa dambe ee damacsan falalka argahixisnimo aysan mar dambe ay ku tusaale qaataan.

    Cadaalad cadaalad cadaalad.

  2. Dhibaatadda Meesha ka dhacey ee galaafsatay 20- qof oo shacab ah, Waa arin aad u fool xun oo aan SAL & RAAD ku lahayn, meel na ka soo gelin DHAQANKA SUUBAN EE DIINTA ISLAAMKA & MID SOOMAALINIMO INTUBA.
    Meelaha Maqaaxiyaha & Goobaha lagu caweeyo, Bartilmameedyadda noocaani oo kale ma la dhihi karaa waa DAGAAL DHAQAALE OO KA DHAN AH MUQDISHO HORUMARKEEDA ???, ama lagu cuuryaaminaayo Dhaqaalaha & dalxiiska Wadanka Somaliya ?
    Arintaani waa in Il gaar ah lagu eega, maahan wax sahlan runtii, Si kastaba ha ahaatee uma wanagsana Somaliya iney Aqbasho Weeraradda Arxandaradda oo ay fuliyaan dhaqar qabayaasha Aduun & Aakhiro ka quustay.
    Umadda Alle ha koriyo Musiibooyinka Noocani oo kale ah.!
    Dowladda Federaalka Soomaliya, waa iney Si sax ah u baartaa, Natiijadda ka dhalato Baaritankana si sax ah loogu soo bandhigaa Shacabka Soomaliyeed..!
    Tallo ku socoto :
    Hoteeladda & Muqayadaha
    Milkiilayaasha leh Gobaha ganacsi, sida muqayadaha & Hoteeladda, waa iney iyaguna qaataan qeybtooda kaga aadan Masuulyadda, Sababtoo ah Dayac badan ayaa meeshani jiro ama ka muuqdo, Hoteeladda & Muqaayadaha waxaa haboon iney tix geliyaan fulinta sharciga cusub oo ay dolwadda ku amartey Restaurantiyadda…sidoo kale waa iney sameyaan waxkasta oo lagu xaqiijin karo baad qabka Macaamiisha meesh isugu yimid. waxyaabaha ay sameyn karaan si loo xaqiijiyo amniga goobta waxaa ka mid ah :-
    A) Parking-nada; in la kala fogeeyo qeybta ay shacabka ku caweeyan & baarkingka waa muhiim. haddii meesha qaraxa uu ka dhacay ay ka fog tahay goobta lagu caweynaayo, waxaa suuro gal noqon karta in qasaaraha intaasi ka yaraado.
    B ) in sidoo kale lagu siyaadiyo qeybaha parking-ka hotealka ama restaruntiga, waxyaabaha suga amniga sida :- in loo sameeyo bar koontarool & qof meesha istaago, dadka imaanaya goobtana la waydiiyo ID & qofka magaciisa iwm.
    C ) in lagu xiro goobta kaamerooyin ka amanaka suga, tani waxay fududeyneysaa laama amniga wadanka in tixraac fiican siiso wixii ay kaamearada duubtey Xogta ama Macluumaday kaamearada duubtana waxa lagu ogaan kara weliba si muuqaal ah Cidda Ka dambeysa weerarka. wey fududaaneysaa in CADAADALADDA LA HORGEEYO DAMBIILA GEYSTA WEERARKA.
    D) in sidoo kale goobaha ganacsi, sida muqaayadaha & hoteelada magaaladda ay qortaan wardiye u gaar ah oo suga amniga goobta xiliga shaqo maalmeedka goobta lagu guda jiro. goob kasta oo ganacsi, gaar ahan kuwa waaweyn waa iney qortaan wardiyeyaal iyaga u gaar ah oo u tababaran Shaqadda & howsha adag ee meesha taalo. waariyaha, waa inuu sidoo kale ka jawabi karaa si kumeel gaar ahna u bad baadin karaa dadka meesha ku xanibmo, isagoo u sahlayo una fududeeynaayo goobaha ay ka baxsan karaan…
    E ) Goobaha ganacsi waa in 8:00 wixii ka dambeeyo la xiraa habeenkii, la xiraa. muhiim maaha inaad habeenkii oo dhan furnaato, ee muhimaada waxaaye waa bad baadada shacabka mar haddii habeenkii lagu soo dhuuman karo.. argagixisadda suuro gal uma noqoteen, maalintii iney intaasi oo qasaaro ah geystaan.
    D) ugu dambeyntii waa in goobaha ganacsiga ay xiriir dhow la yeeshaan laamaha amniga & booliska, si loo sugo amniga goobahooda ganacsi..isku xirnaanta laamaha amniga ( Alpha ) & Ganacsataddda waa muhiim.
    HORUMARKA WAXA UU WATAA HARDAN, HAGAR DAAMOOYIN AY HOR BOODAYAAN NAFTII HALIGAYAL BADAN, WAXAASI OO DHAN WAXAA LOOGA BAD BAADI KARAA, ( ALLE AYAA WAX BAD BAADSHEE ) WAA IN SHACABKA SOOMALIYEED & DOWLADOODA AY MUUJIYAAN ISKU XIRAN DHAB AH, WIXII AMNIGOODA QAL QALGELINAYA AY SI WADA JIR AH ISAGA QABTAAN, UGANA HORTAGAAN..
    WABILAAHI TOWFIIQ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here