Sawir: mid kamid ah musharaxiinta puntland oo dil ka bad baaday

Garigii la rasaaseeyay
Garigii la rasaaseeyay

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Garowe oo ah Xaruunta Maamulka Puntland, ayaa sheegaya in goordhow uu isku day dil ka bad baaday midkamid ah Musharixiinta Puntland, kaasoo lagu magacaabo C/daahir Maxamed Yuusuf (Yeey).

Goob joogayaal, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay, in Ciidamo katirsan kuwa Amaanka Puntland, ay Rasaas ku fureen Gaari uu la socday Musharaxa.

Weerarkan ayaa waxaa khasaare soo gaaray gaarigii uu murashaxa saarnaa Musharaxa ayaa sheegay in mid kamid ah dhalinyaradii la socdey uu dhaawac soo gaarey.

Murashaxa oo qaar kamid ah warbaahinta uga waramay arrinta sida ay u dhacday ayaa yiri:

“…waxaan kasoo baxay kulan ay murashaxiinta maanta lahaayeen, markaan kasoo baxay oo an marayay jidka laamiga, waa nala istaajiyey, kadibna waxaa gaarigii aan la socday lugu furay rasaas badan, waxaana rasaasta soo riday gaari ciidan wuuna cararay, wuxuuna gaarigaasi ahaa baaburta ay leeyihiin ciidanka [Madaxtooyada], waana la yaqaan oo magacyadooda ayaa haynaa saraakiishii la socotay gaarigaasi, rasaasta waxaa ku dhaawacmay qar ka mid ah xubnihii ila socday, waxaa dhaawacmay darawelkii gaariga waday…annigana wax ima soo gaarin, dhankeena wax jawaab ah ka maynaan bixin rasaasta nalaku tuuray, waana xakameenay ciidamadii illaalada ahaa ee nala socday…”

Qaar kamid ah dadkii goobjoogayaasha ah ayaa ku tilmaamay weerarkan mid ay ka danbeeyeen qaar kamid ah wiilasha uu dhalay Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole oo ay ka amar qaataan ciidamada Madaxtooyada iyo Ciidamada Bada ee Puntland (Saracen).

Dowlada Puntland ayaan weli arrintan ka hadlin iyadoo horey u jireen eedaynmo loo jeedinayo in dowlada xayiraad ay kor saartay dhaq dhaqaaqa gaadiidka ee taga xarumaha ay degen yihiin qaar kamid ah murashaxiinta ku sugan Garowe.

Sidoo kale ciidamada qaabilsan amniga caasimada Garowe xiliga doorashada ee uu madax u yahay Gen.Siciid Dheere, taliyaha ciidamada Darawiishta Puntland ayaan arrintan weli wax war ah kasoo saarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here