Saudi Arabia oo dumarka u ogolaanaya in ay ka qeybgalaan daawashada cyaaraha kubada cakta

Dowlada Sacuudi Carabiya ayaa la filayaa in ay marki ugu horeysay u ogolaato haweenka in ay ka qeybgalaan garoomada lagu daawado ciyaaraha kubada cakta.

Sida lagu qoray wargeyska ku hadlo codka dowlada ee Al-Sharq, boqorka dalkaasi Abdalla Bin C/casiis ayaa ka dhisayo magaalada caanka ku ah kubada ee Jeddah qeybo ay qoysaska i qaba si gaar ah uga daawan doonaan ciyaaraha tooska taasi oo dumarka siineysa fursadi ugu horeysay oo ay garoomada Sacuudiga ku tagaan.

Ilo wareedyo ku dhaw dhaw garoonka la dhisayo ayaa xaqiijiyey in boqolkiiba 15 ay noqon doonto fadhiya garoonka kuwo ay yeelan doonaan qoysaska isla socda, waxaana la filayaa in howshaasi la dhameystiro sanadkan 2014-ka.

Dumarka fursada u heli doono waxaa ay isugu jiraan, haweenka ragooda la socdo ama walaalahood, dumarka wariyaasha ah iyo kuwa sawir qaadayaasha ah kuwaasi oo tabin doona ciyaaraha.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili boqor Cabdlla uu wado is badalo dhinaca maamulka ah kaasi oo uu bilaabay bishi September ee sanadki hore, isbadaladaasi intooda badan waxay ku tacaluqana dhanka haweenka.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.