Sarkozy iyo Hollande keebaa noqon doona madaxweynaha France

Dadka reer France ayaa maanta go,aansan doono cidi xakumi laheyd afarta sano ee soo aadan, kadib marki ay u dareereen saakay wareega labaad ee doorashooyinka madaxtinimada.

Doorashooyinka isku celiska ah ayaa lagu tilmaamay tii ugu xasaasaneyd ee soo marto dalka France mudo sanada ah, waxaana loo saadaalinayaa in xisbiga socialist-aha uu ku guuleysan markoodi koowaad tan iyo 1988.

Wareegi koowaad ninka ka socda xisbiga socialist-aha Francois Hollande waxa uu helay codad dhan 28.6%, halka madaxweynaha xilka kasii dagaya Nicolas Sarkozy  uu uruursaday codad dhan 26.2%.

Shaqa la,aanta sii kordheysa iyo qalalaasaha lacagta euro-ga ayaa ah tan ugu weyn ee hareysay ololihi xaga doorashooyinka.

Mr Sarkozy wuxuu sheegay inuu wax ka qaban doono fadhiidnimada soo hardisay dhaqaalaha iyo inuu soo saari doono France oo xoog leh, halka Mr Hollande uu leeyahay waxaa jira qalalaaso maaliyadeed oo aad u daran sidaasi daraadeedna dalka wuxuu u baahanyahay is badal.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.