Sarkaalki ugu sareeyey gudiga amaanka Xerada Ifo oo la dilay

Rag hubeysan ayaa galabta toogasho ku dilay sarkaalki ugu sareeyey gudiga amniga xerada Ifo ee dalka Kenya.

Sida ay sheegayaaan wararka aanu ka heleyno Xeryaha Dhadhaab, sadex nin oo wajiyada soo duubtay ayaa toogtay mas,uulkaan oo aanan wali magaciisa la shaacin kaasi oo madaxa iyo qeybaha sare ee jirkiisa loogaga dhiftay bistoolad.

Arintaan ayaa waxaa aad uga naxay dadka xerada Ifo oo amaandaradi ay uga soo qaxeen Soomaaliya loogaga daba keenay dalka Kenya.

Booliska dalka Kenya ayaa gaaray goobta, balse ma jirin cid ay u qabteen weerarkaasi lagu qaarijiyey sarkaalka.

Jimcihi lasoo dhaafay ayey aheyd marki sidaan oo kale kooxo hubeysan ay ugu dhaceen gurigiisa oo ku yaala xerada Xagardheere kadibna toogteen.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.