Sarkaal Si XunLloogu Dhaawacay Afaafka Hore ee Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia

Saraakaal ka mid ah saraakiisha Ciidamada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Maanta lagu dhaawacay afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Sarkaal Ibraahim Iidow ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus, kadib marki ay murmeen isaga iyo askari ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada, gaar ahaan askariga wuxuu ahaa Milatari.

Ibraahim Iidow ayaa lala dhacay afar xabadood,taasoo keentay inuu dhaawac culus soo gaaro, waxaana loola carary Cisbitaalka Madiina, si xaaladiisa caafimaad wax looga qabto.

Marki ay Rasasata dhacday ayaa waxaa goobta halmar ku soo yaacay ciidamo aad u badan, kuwaasoo umaleeyay in la gali rabo aqalka madaxtooyada, balse waxa ay arkeen sarkaal la dhaawacay iyo askari sii cararaya.

Lama oga wax sababay dhaawaca Ibraahim Iidow iyo waxa ka dhexeeyay isaga iyo askariga dhaawacay, waxayna saraakiisha wadaan baaritaano la xiriira arintan.

Waxaa arintan wali ka hadlin saraakiisha sare ee aqalka madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ay war ka soo saari doonaan.

Amaanka xarunta madaxtooyada ayaa adag, wax qal qal ahna kama jiro amaanka, iyadoo ay ku sugan yihiin ciidamo aad u badan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here