Sarkaal saroo katirsan al-shabaab oo DF isku soo dhiibay

SSaraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa waxa ay sheegeen in uu iskusoo dhiibay Sarkaal Sare oo ka tirsan dagaalamaayasha kooxda Al-Shabaab.

Waxa ay sheeegeen in Sarkaalkaan uu wato hub in kastoo aysan shaacin magaciisa iyo waliba tirada hubka uu wato inta uu la egyahay,waxa ayna sheegeen in iminka uu gacantooda ku jira siina gudbin doonaan.

Sababta ka dambeeysa arintaan ayaa waxa ay sheegeen in uu la soo xariiray masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada oo ay Ehelo ahaayeen taas oo keentay in Gacmo furan lagu soo dhaweeyo.

Shalay ayay aheyd markii Wasaarada Amniga Soomaaliya ay sheecisay in ay Gacanta ku dhigeen Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here