Sarkaal sare oo ka tirsan Al Qacida ayaa galabta lagu dilay duleedka Muqdisho

Xarakada Al Shabab ayaa sheegay caawa in diyaaradaha aaney cidina wadin ee loo yaqaano Drone ay ku dileen deegaanka Siinka Dheer sarkaal sare oo ka tirsan Al Shabab iyo Al Qacida.

Shir jaraa’id oo uu goor dhaweyd oo caawa ah ku qabtay deegaanka Ceelasha Biyaha afhayeenka Al Shabab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayuu ku sheegay in uu dhintay mid ka mid ah dagaalyahanada Ajnabiga ah ee ka bar bar dagaalami jiray Al Shabab kaasi oo lagu magaabo Bilaal Al Barjaawi.

Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay in sadex gantaal lagu dhiftay baabuur  kuwa yar yar oo uu la socday mas,uulkaan oo u dhashay dalka Lubnaan kaasi oo marayey meel u dhaw deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa u meleeyey duqeen kaga timid dhinaca AMISOM, iyadoo warbaahinta Muqdisho oo dhan ay sidaasi wada sheegtay maanta.

Bilaal ayaa ku sugnaa dalka Soomaaliya tan iyo xilligi Maxaakiimta Islaamiga, waxaana uu ka tirsanaa saraakiisha Al Qacida.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.