Sarkaal katirsan Raaskambooni oo Dhoobleey lagu dilay

8049970710_642e9e88c0_b-620x330Sarkaal katirsan Maleeshiiydka Raaskambooni, ayaa xalay lagu dilay degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubada Hoose.

Sargaalka ayaa waxaa lagu Dilay Bartamaha Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose,ayadoona Dilka Sargaalka ay fuliyeen Koox Bastoolado ku Hubeeysan.

Sargaalkaan lagu Dilay Degmada ayaa ahaa Talihii Saadka ee Maleeshiyaadka Raas kambooni u qaabilsanaa Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.

Kadib dilkii Ciise Kambooni, ayaa waxaa Maleeshiyaadka Raaskambooni dhexdooda ay isku bilaabeen is ugaarsi, waxaana ilaa iyo hada la dilay 4 Sarkaal oo kamid ah Jabhada Raaskambooni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here