Sarkaal katirsan Maamulka Puntland oo Xalay lagu dilay Gaal-kacyo

Waxaa xalay fiidkii magaalada Gaal-kacyo lagu toogtay Axmed maxamed Dhagaweyne, oo ahaa isu duwihii wasaarada amniga maamul goboleedka Puntland, ee gobolka Mudug.

Sarkaalkaan ayaa xligii la dilay waxa uu kasoo baxay masaajid ku yaala Xaafada Garsoor, waxaana uu kusii jeeday gurigiisa oo aan sidaas uga fogeyn goobta lagu dilay.

Rag ku hubeysnaa biskoolado ayaa marxuumka toogtay, kuwaasoo goobta ka baxsaday, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen goob joogayaal.

Ciidamada amniga ee Puntland, ayaa isla xalay kadib dilkaas, ayaa baaritaano xoogan waxay ka sameeyeen Xaafada Garsoor, iyagoo qaba tuhun ah in ragii dilka geystay aysan wali goobta ka bixin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here