Sarkaal ka tirsan Wasaarada Warfaafimnta oo lagu dilay degmada Dharkeenleey

ALLA ha u naxariistee nin hubeysan ayaa goordhaweyd ku dilay degmada Dharkeenleey ee magaamada Muqdisho Yusuf Cali Cisman (Yusuf Fareey) kaasi oo ka tirsanaa Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya.

Yusuf Fareey ayaa ahaa madaxi xiriirka saxaafada ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya, sidoo kalana ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Radio Muqdisho, waxaana saakay madaxa ka toogtay nin ku hubeesnaa bistoolad.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Yusuf Fareey uu dilay nin ordayey xilli uu garaash ku yaala agagaarka Aargada uu kala soo baxayey gaarigiisa si uu u aado goobtiisa shaqada ee Wasarada Warfaafinta.

Meydikiisa ayaa la sheegayaa inuu haatan halkaasi yaalo, iyadoo ay soo gaareen goobta ciidamo ka tirsan Dowlada.

Waxa uu noqonayaa saxafigi Afraad oo lagu dilayo degmada Madiino, iyo saxafigi 7-aad oo sanadkaan lagu dilo magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here