Sarkaal ka tirsan Shabaab oo lagu qabtay Dhoobleey

Saraakiisha ciidamada dowlada e ku sugan gobolka J/hoose ayaa sheegay in ay qabteen sarkaal ka tirsanaa Shabaab.

Ninka ay sheeganayaan in ay qabteen ciidamada dowlada KMG ayaa magaciisa lagu sheegay Abshir Cabdullaahi waxaana wararku sheegayaan in lagu qabtay gudaha degmada Dhoobleey.

Afhayeen u hadlay ciidamada dowlada ee ku sugan Jubada Hoose ayaa sheegay in sarkaalkan uu ahaa madaxi wacyi gelinta ee Shabaabka Jubooyinka sida uu hadalka u dhigay.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaabka Jubooyinka oo beeninaya ama xaqiijinaya qabashada sarkaalkan ay sheegeen in ay hayaan ciidamada dowlada KMG Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.