Sarkaal ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan oo isku day dil ka badbaaday

Gudoomiye ku xigeenka amaanka maamulka Gobolka Hiiraan ayaa caawa ka badbaaday isku day lagu qaarijin rabay.

Axmed Cismaan Inji ayaa lala beegsaday maqribki caawa qarax miino isaga oo marayey bartamaha galbeedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa dhacay wax yar kadib marki uu maray goobta, iyadoona ay dhaawacyo kasoo gaareen qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Mas,uulkan oo caawa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in miinada la dhigay kadib marki uu marayey wadada balse la qarxiyey marki uu soo laabtay isala wadadi.

“Qaraxa walaaloow marka hore ayana wadada maray inti aan maqnaa ayaa ley galiyey, kadib marki aan soo laabtay ayey qarxiyeen waxna iguma gaarin,” ayuu yiri.

Baladweyne ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee ay qaraxyada ka dhacaan gobolada dhexe ee Soomaaliya, waxaa inta badan lala beegsadaa ciidamada Itoobiya iyo saraakiisha ciidamada dowlada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here