Sarkaal ka tirsan maamulka garoonka diyaarada Muqdisho oo la dilay

Kooxo hubeysan ayaa caawa maqribki toogasho ku dilay sarkaal sare oo ka tirsan maamulayaasha garoonka diyaaradaha caalamiga ah Adan Cade ee magaalada Muqdisho.

Ibraahin Imaaan Xalane ayaa la sheegay in la dilay wax yar kadib marki uu kasoo baxay masaajid ku yaala degmada Xamar Weyne salaada maqrib ka dib, waxaana kooxihi dilay oo ku hubeesnaa bistoolado ay ka baxsadeen goobta.

Wararka qaar ayaa sheegaya in marxuumka uu ahaa maareeye ku xigeenka garoonka diyaaradaha Muqdisho halka warar kale ay dhahayaan wuxuu ahaa maareeye xigeen, hase yeeshee wali ma cada jagada saxda ah ee uu hayey.

Ma jirto cid sheegatay dilkiisa iyo ujeedada ka danbeeya.

Wixi kusoo kordha dib ayaan idin kaga soo sheegi doonaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here