Sarkaal ka tirsan Hey’ada Islamic Relief oo Baydhabo lagu dilay

Rag hubeysan ayaa xalay magaalada Baydhabo ku toogtay sarkaal ka tirsan Hey’ada xaga samafalka ee Islamic Relief.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Fanax, ayaa waxaa dilay rag ku hubeesnaa bistoolado xilli uu kasoo baxayey masaajidka salaada cisha ah kadib sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Lama oga sababta loo beegsaday ninkan iyo cida dishay, waxaana meydkiisa goobta ka qaaday ciidamo ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya oo kusoo baxay rasaasta lagu dilay.

Sida ay sheegayaan dadka eheladiisa ah, marxuumka ahaa Isu duwihii Hey’ada Islamic Releif ee gobolka Bay, waxaana uu in muda ahba ka shaqeynayey howlaha lagu gargaarayo dadka masaakiinta ah ee ku nool gobolkaasi.

Wali wax war ah kama uusan soo bixin maamulka gobolka Bay ee dowlada KMG Soomaaliya oo maamula gobolkaasi, waxaana dilkaan uu imaanayaa xilli magaalada Baydhabo ay joogaan ciidamo isugu jira Itoobiyaan iyo Ugandes.

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.