Sarkaal ka tirsan ciidanka nabadsugida oo lagu dilay Muqdisho

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Korneel Maxamed Maxamuud Afweyne ayaa lagu dilay afaafka hore ee Dakada Muqdisho.

Sida ay dad goob joog ah shegeen, sarkaalkan ayaa waxaa dilay nin ku sugnaa banaanka Dakada kaasi oo qori ka dafay askari ka tirsanaa ciidamada dowlada kadibna rasaas huwiyey marxuumka.

Ninka dilka geystay oo ahaa qof u muuqday nin dhalinyara ah ayaa goobta ka baxsaday, waxaase ciidamada dowlada ay xireen askarigi qoriga laga dafay.

Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab oo falkaasi ka hadlay ayaa ku gaabsaday in ay baari doonaan sida ay wax u dhaceen.

Dilkaan ayaa dhacaya xilli magaalada Muqdisho ay aad ugu soo badanayaan dilalka xilli lagu jiro waqti kala guur ah oo ay Muqdisho marti gelineyso doorashadi ugu horeeysay ee madaxtinimo mudo ka badan 40 sano.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here