Sarkaal Cawada lagu toogtay Garowe

Sarkaal katirsan doowlada Hoose ee Puntland, ayaa Caawa Fiidkii lagu toogtay magaalada Garowe, waxaana dilkaan fuliyay rag ku hubyesan Biskoolado.

Sarkaalkan dilka loo gaystay ayaa magaciisa waxaa lagu soo koobay  “Gaal Dile”, waxa uuna ahaa sarkaal katirsan qaybta Canshuuraha, dilka ayaana ka dhacay Xaruunta Mustaqbal Express ee magaalada Garowe, waana halka ay ku taallo astaanta ay ka baxaan baabuurta Boosaaso aada ee ka baxda Garowe..

Markii uu dilka dhacay kadib ayaa sida ay goob joogayaal warbaahinta u xaqiijiyeen waxaa goobta gaaray Ciidamada amaanka Puntland, laakin lama sheegin ineey dad u qabqabteen dilka loo gaystay Sarkaalka.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waxaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena danbe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here