Sarkaal Al-Shabaab katirsan oo isku dhiibay ciidamada Kenya

Fulinta weerarada al-shabaab
Fulinta weerarada al-shabaab

Sarkaal ka tirsanaan jiray Ururka Al Shabaab ayaa isku dhiibay ciidamada Dowladda Kenya, kadib markii dadka deegaanka iyo Waxgaradka ay door ka qaateen isdhiibitaanka Sarkaalkaasi.

Yuusuf Maalim Nuur Aaden oo loo yaqaano (Fanax), ayaa isku dhiibay ciidamada Kenya ee ku sugan Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari.

Yuusuf waxa uu ahaa Saraakiisha sar sare ee hogaamin jiray ragga amniyaadka ah ee ka howlgala Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaana is dhiibistiisa ay timid, markii Waxgaradka ay door muuqata ka qaateen inuu isdhiibo Sarkaalkaasi.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Kenya oo Warbaahinta u xaqiijiyay is dhiibitaanka Sarkaalkaasi, ayaa sheegay inuusan wax hub ah wadan xiliga Sarkaalka uu isa soo dhiibaayay.

Sarkaalkaan ayaa loo gudbinayaa Degmada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari, waxaana halkaasi kula wareegaya Saraakiisha la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.

Guddoomiyaha Degmada Wajeer Michael Ole Tialal, ayaa ugu baaqay Shabaabka kale inay isa soo dhiibaan oo si nabadgelyo ay u helaan.

Sarkaalkaan isa soo dhiibay ayaa haaya macluumaad badan oo ku saabsan Shabaabka ka howlgala dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here