Sargaal u Hadlay Ciidamada Boliiska Dalka Kenya oo Sheegay in Ay Dileen Wadaad Xiriir la’lahaay Al-shabaab

Wararka naga soo gaaraya magaalada Mombassa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamada dalka Kenya ey dileen wadaad la sheegay in uu xiriir la lahaay Alshabaab.

Waxaa uu sheegay saraakiisha dowladda Kenya in aysan dooneynin in ay hadda faah faahin ka bixiyaan sababta loo dillay wadaadka iyadoo la qaban karay, iyaga oo intaa ku darray in ay xaqiijin karaa oo kaliya in la dillay, laakiin wixii faah faahin ay dib ka soo sheegi doonaan.

Saraakiisha baliiska dalka Kenya ayaa sheegay in ay ku toogteen Rogo magaaloo xeebeedka Mombassa waqti uu la socday gaarigiisa oo ay la saarnaayeen qoyskiisa sida xaaskiisa iyo caruur uu dhalay.

“Rogo waa la dilay, waxaa lagu weeraray gaari ay la saarnaayeen xubno ka tirsan qoyskiisa sida xaaskiisa iyo caruurtiisa,” ayuu yiri sarkaal sare oo u hadlya booliiska magaalada Mombassa.

Wadaadka la dillay ayaa loo heystay eedeymo ay ka mid yihiin ama la xiriira in uu xudun u ahaa xoogagga gacan saarka la leh Al-shabaab eek u sugan gudaha dalka Kenya, isaga oo la sheegay in uu ahaa shaqsi qabad weyn ku ah deganaasha Kenya iyo Soomaaliya.

Sikastaba Dilkan la sheegay in ciidamada Kenya kula kaceen Cabdow Rogo ayaa ku soo beegmaya xili gollaha amaanka QM sidoo kale cunaqabteyn ku soo rogeen wadaadka isagana lagu magacaabo Abuubakar Shariif Axmed oo lagu eedeynayo in uu gacan saar wanaagsan la leeyahay Al-shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here