Sargaal Sare oo katirsanaa Al-shabaab oo la Dilay iyo Dagaalo ka Dhacay Gobolka Bay (Warbixin Faah faahsan)

Kadib dagaalo xoogan oo udhaxeeyey ciidamo katirsan ururka Al shabaab iyo ciidamada dawlada ayaa waxay ku dhexmareen deegaano katirsan gobolka Bay.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay tuulada Buula-Xaawo uu 15-km ujirta Degmada Bardaale waxaana la isku weydaarsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ciidamada dawlada ayaa guulo ballaaran ka sheegtay dagaalkaasi oo iyagu weerarka ku qaaday fariisin shabaabku ku lahaayeen deegaankaasi waxay sheegeen in askar badan ka dileen maleeshiyaadka al shabaab.

Gudoomiyaha gobolka Bay C/fitaax Geeseey ayaa waxa uu xusay inay dileen sargaal sare oo shabaabku amiir ahaa kaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xaaji horena uga tirsanaa dawladii C/llaahi Yuusuf sida uu yiri.

“Waxaan ku guuleysanay inay ka dilno nabad-diidka sargaal sare oo taliye ciidan ka ahaa saldhiga degmada Bardaale dawladii C/llaahi Yuusuf hayeeshee markii dambe al shabaab ku biiray ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Bay”.

Dadka xoolo dhaqatada ah ee ku dhaqan deegaanka Buula Xaawo ee degmada Bardaale hoostagta ayaa saaka dib guryahooda ugu laabtay kadib dagaalkii dhexmaray al shabaab iyo dawlada oo saameyn xoogan ku yeeshay.

Xaalada Deegaankii lagu dagaalamay degmada Bardaale ayaa maanta deggan waxaana lagu soo waramayaa in al shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ciidan wadaan si ay iyaguna u’aar gutaan weerarkii lagu qaaday.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here