Sargaal katirsanaa Maamulka Degmada Afgooye oo La Dilay

Dil-Bistoolad1Koox Hubeysan ayaa waxay maanta ku dileen Degmada Afgooye Sargaal ushaqeynayey Maamulka Degmadaasi waxaana kasoo baxaya dilkaasi faah faahino dheeraad ah.

Sargaalka la dilay waxa magaciisa lagu sheegay Muzamil Dooraaleey waxaana dilkiisa geystay dabley ku hubeysnaa bistoolado.

Muzamil Dooraaleey ayaa hore uga tirsanaa Xarakada Al Shabaab waxaana hadda uu la shaqeyn jiray Maamulka Degmada Afgooye.

Ilaa hadda ma heyno cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi lagu dilay maanta barqadii Sargaalkaasi la shaqeyn jiray Maamulka Degmada Afgooye.

1 COMMENT

  1. Waa nasiib darro in Qof u adeegaya dadkiisa si Qaldan oo xadgudub ah loo dilo.

    Waa ayaan darro ku dhacdey guud ahaan umadda gaar ahan daka dega degmadda afgooye. oo an arag weli dadka lidka ku ah nabadda degaanka.

    Dhagar qabayaasha hadaan dalka laga qaban weli nabad iyo udugeda kow iyo laba ma joogo..!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here