Sarakiisha Ciidanka Xoga Dalka oo Diyaariy Ciidamo Sida Al-shabaab oo kale u Jabhadeeyo oo Duurka kula Dagaalamo Al-shabab

Saraakiisha ciidanka qaranka soomaalia ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay jiraan qorshayaal dhawr ah oo ay sameeyeen si looga hortago falalka amaan daro ee ka yimaado Al-shabaab ee gobolkaas.

Taliyaha Gaaska 1aad ee ciidamada qaranka soomaaliyeed Cabdullahi Cismaan Cageey oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamo badan oo dawlada ah la geeyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose oo ay Al-shababaab ka soo qaadi jireen weeraro gaadma ah oo markaas lagu carqaladeenayo amniga gobolka.

Jeneraalka ayaa sheegay in ay saraakiisha ciidanka diyaariyeen qorshahaan ka dib marki ay bateen weerarada ka yimaada kooxda Al-shabaab. waxaa uu sheegay in ciidamo fara badan oo dawlada ah la geeyay degaano badan oo ka tirsan gobalka ayadoo sidoo kale ay ciidamada ku suganyihiin dhamaan wadooyinka ugu muhiimsan gobolkaas si loo xaqiijiyo amaanka wadadooyinka.

waxaa uu sidoo kale sheegay taliya gaaska 1aad ee ciidanka qaranka in ay diyaaariyeen ciidan aad u qalabeesan oo sida Al-shabaab oo kale u jabhadeeyo oo duurka galayo kulana dagaalamayo Al-shabaab si looga hortago weerarada Al-shabaab.

Jeneraal Cageey ayaa ugu dambeyntii waxuu shacabka soomaaliyeed ugu baaqay in ay si dhib la’aan ah ay u mari karaan wadooyinka isku xira magaalada madaxda dalka Muqdisho iyo degaanada ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose oo amaanka wadooyinkaasna aad loo sugay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here