Saraakiishi Shabab ee Afgooye oo gaartay Baardheere iyo Marka

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada ee gobolka Gedo oo lagu magacaabo Axmed Cabdullaahi ayaa sheegay in saraakiishi Al Shabaab ee dhawaan gacantoodu ka baxday degmada Afgooye ay gaareen Baardheere.

Isaga oo la hadlayey mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayuu sheegay Mr. Axmed inay qorsheynayaan haatan in ay qabsadaan magaalooyinka Marka, Baraawe iyo Baardheere oo uu ku sheegay in ay haatan gaareen saraakiishi Al Shabaab ee ka baxay deegaanada loo barakacay iyo degmada Afgooye.

Al Shabaab ayaa todobaadki hore dhamaadkiisi ku lumiyey Afgooye oo muhiim ah gacanta ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM kadib duulaan qorsheysan oo ay ciidanka is garabsanaya halkaasi ku qaadeen.

Hase yeeshee wali ciidamada dowlada si buxuda uma aysan galin deegaanka Ceelasha Biyaha oo ah degmo weyn, inkastoo ay hareeraha ka daganyihiin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.