Saraakiisha shabaab ooisaga baxay Xudur

download (2)Wararka aanu ka helayno gobollada Bay iyo Bakool ayaa waxay sheegayaan in saraakiisha Al Shabaab ee kusugnaa gobolladaasi ay hadda bilaabeen inay halkaasi iskaga baxsadaan.

Xarunta gobolka Bakool ee degmada Xudur ayaa waxay ka mid tahay meelaha ay Shabaabka ku xooganaayeen ayaa waxa la sheegay in saraakiisha ay halkaasi ka tageen ciidamada kaliyana Xudur ay kusugan yihiin.

Mas’uuliyiinta Al Shabaab ayaa ka hor inta aysan ka bixin Xudur waxay la hadleen Shacabaka degmadaasi kusugan kuna wargeliyeen inay magaaladaasi iskaga baxaan maadama ciidamada AMISOM kusoo wajahan yihiin iyagoo utilmaamay haweenka iyo carruurta inay aadaan degmooyinka Waajid iyo Tiyeeglow oo Shabaabka ka arimiyan.

Xaalada deegaanada Al Shabaab kaga sugan yihiin gobollada Bay iyo Bakool ayaa laga soo sheegayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo kacsanaan taasi oo shabaabka saraakiishooda ay bilaabeen inay ka baxaan gobolladaasi.

Xigasho:KNN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here