Saraakiisha Shabaab Oo Kulan La Qaatay Odayaasha Gobola Hiiraan

Saraakiisha Shabaab  ayaa waxaa ey sheegen kulanka in uu ku saabsanaay sidii odayaasha deganaka ey ooga qeyb qaadan lahaayeen dagaalada lagula jiro Dowlada KMG Soomaaliya iyagoo sheegay in ey qasab ku tahay in jihaadka ey wax ka galaan waa sida ey Al-shabaab hadalka u dhigeen.

Odayaal ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ey shabaab ku taageerayaan dagaalka ey kula jiraan dowlada KMG iyagoo sheegay in ey siin doonaan dhalinyaro dagaalka gasho.

Odayaasha qaar ayaa ka biya diiday in ey dagaalka ka qeyb qaataan iyagoo sheegay in ee yihiin dad da’a ah qaadi karina wax hub ah.

Mar aan qadka taleefanka kula xiriirnay oday ka mid ah odayaasha ka qeyb galay shirka isagoo magaciisa ka gaabsanaya waxaa uu yiri dagaalka kama qeyb gali karno mana idiin ku raacsani arinta dagaalka.

“Xaqiiqdii anaga waan u sheegnay in dagaalka anu ka qeyb geli karin wey jiraan dad ku raacay balse anaga raali kama nihin hadey na qasbaayaan ma ogi”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here