Saraakiisha sar sare ee AMISOM oo Hubka ka iibiya al-shabaab

From right, Sector Kismayo Commander, Lt. Colonel John Kipya ( Center), Sector two Commander, Brigadier Daniel Bartonjo and KDF Army Commander Lt. General Leonard Ngondi walk through Kismayo airport. The KDF Commander arrived to visit AMISOM KDF troops in Kismayo, Somalia. On 28 August, 2015. AMISOM Photo/ Awil Abukar
From right, Sector Kismayo Commander, Lt. Colonel John Kipya ( Center), Sector two Commander, Brigadier Daniel Bartonjo and KDF Army Commander Lt. General Leonard Ngondi walk through Kismayo airport. The KDF Commander arrived to visit AMISOM KDF troops in Kismayo, Somalia. On 28 August, 2015. AMISOM Photo/ Awil Abukarh

Kadib markii dhawaan midowga Yurub ay ku dhawaaqeen ineey mushaar dhimis ku sameeyeen ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya, ayaa waxaa soo baxeysa in saraakiisha sar sare ee AMISOM ay bilaabeen ineey hubka iyo shidaalka ka iibiyaan al-shabaab, si ay dhaqaale uga sameeyaan.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya, in saraakiisha AMISOM gaar ahaan kuwa Shabeelaha Hoose, ay yihiin kuwa Hubka ka iibiya dhaqdhaqaaqa al-shabaab.

Warbixino sir ah oo la helay, ayaa sheegaya in Saraakiisha AMISOM ay 2 hab al-shabaab uga iibiyaan Hubka.

1-Ciidamada AMISOM, ayaa deegaanada ay al-shabaab ka qabsadaan ugu aaso hub farabadan, iyagoo Fuustooyinka shidaalka ka dhamaaday inta afka ka jara uga buuxiya, kadibna waxeey isaga baxaan goobahaas, sidaas ayuu Hubkii ku galaa gacanta al-shabaab.

2-Sidoo kale AMISOM waxeey al-shabaab Hubka ugu gudbiyaan Dameeraha wada cowska iyo Qoryaha.

Heshiiska AMISOM hubka ugu gudbiso al-shabaab, ayaa keliya dhex mara sarkaalka markaas wata ciidamada iyo al-shabaab.

Waxaa xusid mudan in 2 sano kahor saraakiil badan oo katirsan kuwa Uganda, lagu helay musuqmaasuq nuucaan oo kale ah, kuwaasoo hada maxkamadeyntoodu ay ka socoto dalka Uganda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here