Saraakiisha Jubbooyinka oo Sheegay in Kismaayo lagu Dagaalami Doono

Xilli ay sii socoanayaan dagaalada ka dhacaya Gobalka Jubada Hoose islamarkaana udhaxeeya ciidamada huwanta iyo sidoo kale kuwa Al-Shabaab ayaa saraakiisha ciidamada dowladda waxa ay shaaca ka qaadeen in hadii Al-Shabaab Kismaayo ay ka bixiwaayaan dagaalka uu sii cuslaanayo.

Afhayeenka ciidamada Dowlada ee Jubbooyinka Muxumad Daahir Faarax  ayaa saxaafada u sheegay in magaalada Kismaayo ay ku dagaalami doonaan haddii ay suurto gal noqoto islamarkaana Alshabaab ay isaga bixi waayaan.

Afhayeenka Faarax wuxuu u sheegay inay ka ilaalin doonaan magaalada in lagu dul dagaalamo dadka shacabka si aysan dhibaato usoo gaarin,waxaana uu xusay in dhibaato ay soo gaaray shacabka haddii Kismaayo lagu dagaalamo.

Alshabaab waxay horay u sheegeen inay difaacayaan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose,iyadoo taasi ay dhalisay in dadka shacabka ay baaq soo jeediyaan oo ah inaan lagu dagaalamin magaalada.

Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa horay usheegay in gudaha Kismaayo in lagu dhax dagaalamo aysan dhici doonin islamarkaana dagaalka uu ku ekaanayo duleedyada Kismaayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. Alshabab magaalooyiinga kale waay faarujeeyaan marka ay maqlaan Amison baa kusoofooleh, si ay badbaadiyaan shacabkooda.laakin kismaayo waxay ogyahiin in u shacabka meesha kunool in ay yihiin kuwa cadow ku ah iyaaga og aysan walaala ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here