Saraakiisha dowlada iyo Al Shabaab oo siyaabo kala duwan uga hadlay qaraxi Baladweyne

Waxaa marki ugu horeysay ka hadlay qaraxi maanta ka dhacay magaalada Baladweyne saraakiisha ku sugan magaalada ee dowlada iyo maamulka Dooxada Shabelle oo taabacsan dowlada.

C/fataax Xasan Afrax oo ah madaxa maamulka Dooxada Shabelle ayaa sheegay in xaalada magaalada ay hada tahay mid dagan, isaga oo qaraxi maantana ku sheegay qarax ay fashiliyeen ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya.

Mar uu ka hadlayey qasaaraha qaraxa waxa uu ku tilmaamay in dhimshada ay gaareyso laba askari oo dhamaantoodba ah ciidamada dowlada, waxa uu beeniyey in lagu dilay qaraxa ciidamo Itoobiyaan ah.

Afhayeenka Al Shabab, C/casisi Abu Muscab oo wariyaasha la hadlay ayaa sheegtay in ay ku dileen qaraxi saakay 33 askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya isla markaana ku dhaawaceen 72 kale.

“Camaliyadaasi waxaa lala beegsaday dhismaha loo yaqaano xarunta gobolka, halkaas waxaa ku sugnaa saraakiisha hogaamineyso ciidamada xabashada, weerarka waxaa fuliyey walaal mujaahid ah oo ka tirsan guutada istishhaadiga, qasaaraha soo gaaray cadawga 33 dhimasho, dhaawacana waa 72, baabuurta goobta ku gubatay waxa weeyaan laba gaari oo uuraal ah iyo gaari kuwa yar yar,” ayuu yiri.

Ilo wareedyo ka madax banaan labada dhinac ayaa xaqiijiyey in qaraxi saakay ay ku dhinteen 11 askari oo isugu jira ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya ee ku sugan Baladweyne.

Dhanka kalana howlgalo ay ciidamada Itoobiya ka sameeyeen xaafado ka mid ah magaalada ayey ku qab qabteen ilaa iyo 12 ruux oo lala xiriirinayo in ay ka tirsanyihiin Al Shabab, sidoo kalana Itoobiyaanka waxay bandow kusoo rogeen xaafadaha Buundaweyn, H/wadaag iyo Kooshin.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.